madaxweynaha puntland Dr.faroole oo maanta gaarey buurawadal

Burawdal oo 30km u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa shacabka dagan
sheegeen in booqashadaan tahay midii ugu horeysay ee Madaxweyne Puntland ah ku
yimaado degaankaan.
Madaxweynaha & wafdigiisa oo si kadis ah ugu tagay ayaa ka dhageystey dadka degan
Burwadal xaaladaha cafimaadka, Biyaha, waxbarashada iyo amaanka iyadoo halkaas
warbixin uu ka bixiyey mid kamid ah macalimiinta wax dhigta, odey dhaqameedyada iyo
gabar u hadleysay dumarka

Madaxweynaha Puntland oo warbixin siiyey dhamaan shacabkii halkaas isugu soo baxey
ayaa xusey in dowladiisu waxba ka hakraneyn dadka degaankaan daga iyo kuwa kaleba
balse Puntland ay soo foodsaareen dhibaatooyin amni xumo kuwaasoo hakad galiyey in
xukuumadu sidii la rabey wax uga qabato arrimaha bulshada.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagey degaankaas ayaa shacabka Burawadal aad u soo
dhoweeyey madaama aan horey loo shaacin iyadoo kulan ka dhacey geed hostiis uu kula
kulmey qaybha kala duwan ee bulshada kuwasoo ka warbixiyey xaaladooda nololeed

burcbaxaya.com

Comments are closed.