Muqdisho: shiikh xasan daahir aweys oo qiimaynaya siduu u arko dawladii cabdulaahi iyo tan shiikh shiriif

Gudoomiyaha Ururka Xibul Islaam Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu maanta si kulul u canbaareeyey codsi dhawaan uu madaxweynaha DFKM Sh Shariif uu u diray beesha Caalamka isagoo kaga codsaday in gargaar deg deg ah lala soo gaaro DFKM si loo badbaadiyo.

Gudoomiyaha Ururka Xibul Islaam Shiikh Xassan Daahir oo ku labisan tuutaha ciidanka Milateriga gacantana ku sita guriga AK47-ka ayaa waxaa uu warfidi yeenada kula hadlay Suuqa weyn ee Bakaaraha ,Shiikh Xassan Daahir oo ay ka muuqatay caro fara badan ayaa waxaa uu codsi u diray ciidanka AMISON ee ku sugan Muqdisho isagoo ka codsaday in ay ka baxaan dalka Soomaaliya , Shiikh Xassan ayaa si caro leh u yir “Ciidamo shisheeyey uma baahnin mana doonayn ee dalkeena ha nooga baxaan

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay dowladaha ku bahoobay ururka IGAD in ay ka joogsdaan in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaali Shiikh Xassan Daahir ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamo Shisheeye oo dalka Soomaaliya la keeno aysan waxba soo kordhinaynin dhibaao mooyaane.

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu dhaliil dusha uga tuuray beesha caalamka isagoo ku eedeeyey in xaaada dalka Soomaaliya ay sii murjiyaan.

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Shl. Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ku tilmaamay Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed mid qaaday wado ka xun tii Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullaahi Yuusuf isagoo sheegay in jidkaas ay uga digeen Sh Shariif ,Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in ay dagaal ka wadi doonaa ilaa inta ay ciidanka AMISOM ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.

www.burucbaxaya.com

Comments are closed.