Boosaaso:maxkamada darajada koowaad oo dib loogu sooceliyey dad horay dil loogu xakumay.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa dib loogu soo celiyey dad gacan ku dhiigleyaal ah oo ay hore maxkamada ku xukuntay dil toogasho ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari Maxamuud Maxamed Yuusuf “Shimbir” oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay in eedeysaneyaashaas la amray in maxkamada dib loogu soo celiyo isla markaasna dib loo fiiriyo xukunka lagu riday.

Wuxuuna sheegay in maxkamada sare ee Puntland ay soo saartay amarka dib loogu eegaayo kiisaska dadkaas.

Ragga dib loogu soo celiyey maxkamada darajada koowaad ayaa gaaraya ilaa 7-qof,waxaana ku jiraa muwaadin u dhashey dalka Itoobiya oo isagu lagu eedeyey inuu dil iyo dhaawac ka geystay gudaha magaaladda Bosaaso.

Xeer ilaaliyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa xusay in Bisha Ramadaan ka dib ama markii ay dhamaato dib loo eegi doono dacwadahooda isla markaasna go’aan laga soo saari doono.

Maxkamada darajada koowaad ayaa mudo bilooyin ka hor dadkaan ku xukuntay dil toogasho kadib markii la horkeenay.

www.burucbaxaya.com
Boosaaso

Comments are closed.