Danmark:dhalinyarta ajaanibtaa oo kamushahar badatay dhalinyarta deenishkaa ee la da,ad ah.

Dhallinyarada ajinebiga ah ee Danmark ayaa ka mushahar fiican, da’aha qaarkood dhallinyarada deenishka ah. Sidaas waxa muujiyay baadhitaan uu sameeyay ururka wershedaha deenishka, DI, kaasoo uu baahiyay wargayska Berlingske Tidende maanta.

Dhallinyarada ajinebiga ah ee da’doodu u dhaxayso 26 iyo 30 sano, ee leh waxbarsaho sare oo dhexe ama dheer ayaa celcelis ahaan qaata 355.000 koron sannadkii, halka celceliska dhallinyarada deenishka ahi ka yahay 335.000 koron sannadkii – 20.000 oo koron ayay dheer yihiin, halka kuwa waxbarashada sare ee dheer lihi ka dheer yihiin 40.000 koron. Halka celceliska mushaharka dhallinta ajinebigu ka yahay 453.000 koron, ka dhallinta deenishka ee la da’da iyo waxbarashada ahi waa 409.000 koron.

Celceliska mushaharka kooxaha kale way siman yihiin
Celcelis ahaan dakhliga dhallinta ajinebiga ah iyo kuwa deenishka ee heerarka waxbarashooyinka kale waa isku mid ah. Wuxu dhan yahay 333.000 koron sannadkii.

Aad ayaa loogu baahan yahay dadka maskaxda leh iyo cashuurta laga qaadoba. Ajinebiga iyo carruurtoodu waxay qayb ka yihiin xooggaga shaqaalaha loo baahan yahay mustaqbalka, ayuu yidhi lataliyaha ururka wershedaha deenishka, DI, Ururka wershedeaha deenishka ayaa tirooyinkaasi xiiso geliyeen. Claus Andersen oo ka danbeeyay baadhitaankan.

DI: Tirooyinku waxay meesha ka saarayaan kutidhikuteenkii
Wuxu qabaa, in tirooyinka cusubi meesha ka saarayaan kutidhikuteenkii la lahaa, ajinebiga iyo carruurtoodu waxba kuma soo biiriyaan bulshada deensihka.

Kutidhikuteenku wuxu ku salaysnaa, sida laga soo xigtay Claus Andersen, tirooyinkii 1990 eeyaha, markaas oo dakhliga iyo suuqa shaqadu gebi ahaan ka duwanaa xaaladda ajinebiga iyo carruurtooda maanta ku sugan yihiin.

- Ajinebiga hadda dalka soo galaa way shaqeeyaan, carruurtooduna waa sidoo kale. Sidaas awgeed ajinebiga iyo carruurtoodu waxay uga qaybqaataan barwaaqosooranka sida dadka kale, ayuu yidhi.

www.burucbaxaya.com

Comments are closed.