Muqdisho:guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen shir jaraa’id ku qabtay Gudaha Mowlaca Macallin Nuur oo shalay lagala wareegay ciidan Ahlusunna kadib markii dagaal culus la galeen alshabaab ay isaga soo baxeen halkaasi.

Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab oo la wareegtay Gacan ku hayntii saldhigii ugu weynaa ee Ahlu-Sunna ee Mowlaca Macalin Nuur Maxamed Siyaad ee Magaalada Muqdisho.
Ka dib shir jaraa’id oo uu qabtay Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayuu ku sheegtay in ay gacatooda ku jirto xaruntii ahlu sunah.
Iyada oo uu Magaalada Muqdisho ka soconaaya maalitii lixaad dagaallo ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen shir jaraa’id ku qabtay Gudaha Mowlaca Macallin Nuur oo shalay lagala wareegay ciidan Ahlusunna kadib markii dagaal culus la galeen alshabaab ay isaga soo baxeen halkaasi.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dagaalladii dhacay ay guulo ka gaareen ayna rajeynayaan inta harsan inuu ALLE u sahlo inay ku guuleystaan, wuxuuna sheegay in mowlaca ay ka qabsadeen Ahlusunna Walajamaaca oo uu ku sheegay inay yihiin cadowga Islaamka
Wuxuuna weeraray culimada iyo odayaasha ku celcelinayay maalmahan in dagaallada socda aan wax natiijo ah laga gaarayn, wuxuuna sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada ayna maanta caddahay Guusha ay gaareen.
“Mowlaca Macallin Nuur oo ay cadowga ALLE ku sugnaan jireen waxay gacanta ugu jirtaa maanta Mujaahidiinta, waana qayb ka mid ah guulaha laga gaaray dagaalka, waana wadaynaa inta aan ka dhameystirayno” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Waxa uu Dagaalka Muqdisho ka socda galay maalintii lixaad wuxuuna dagaalku u dhexeeyaa dhinacyada ku hardamaya siyaasadda dalka, iyadoo dagaallada maanta oo ah kuwo aad uga duwan kuwii ka horeeyay ayaa waxay sababeen dhimashada tiro aan weli la cayimin iyo dhaawac badan, waxaana mararka qaar la maqlaayay dhawaqa Madaafiicda
Dhanka kale ururka Ahlusunna waljameeca oo gacansaar la leh Dowladda KMG ah ayaan ka hadlay saldhigga laga qabsaday ee loo soo bandhigay Saaxafadda. Afhayeenka Ahlusuna Wal jameeca Sheekh C/laahi Sh. C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay in ay mawlaca uga baxeen sabab la xiriirta istaraatiijiyad ciidameed.
Dhanka kale xoogagga Al-shabaab ay ku dhow yihiin jidka Maka Al-Mukarama, iyadoo Kaarayaasha iyo dabaabaadka Ciidamada AMISOM ay joogaan Isgoyska Dabka meel u dhow

www.burucbaxaya

Comments are closed.