Muqdisho:xarakada al-shabaab oo guulo kasheegatay dagaalkii maanta.

Iyadoo maalintii sideedaad ay galeen dagaallada Muqdisho ku dhexmaraya dowladda KMG ah oo kaashanaysa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ayaa waxaa guulo ka sheegtay dagaallo maanta ka dhacay waqooyiga Muqdisho Xarrakatul Shabaab.

“Saakay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu waxay isku dayeen inay weerar ku qaadaan fariisimo ay degamda Boondheere kaga sugnaayeen Mujaahidiinta si ay ugala wareegaan, jab ayaase ka gaaray,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka ciidammada ee Xarrakatul Shabaab oo saxaafadda la hadlay.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay inay ciidamadooda ay haatan ku sugan yihiin goobihii dhawaan ka qabsadeen ciidammada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo ay dagaallo kula jiraan muddo muddo toddobaad ka badan.

“Madaxtooyada waxaan saakay ku qaadnay weerar madaafiic ah, waxaan ku dilnay tobaneeyo askari oo Yugaandhays ah oo ku jiray diyaargarow ay doonayeen inay ugu gurmadaan ciidamadii aan saakay dagaalka la galnay,” ayuu yiri Abuu-Muscab oo sheegay inay joojiyeen dhaqdhaqaaqii ay ku gurman lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin dagaalladii maanta dhacay, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen lix qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen 16-qof oo kale sida uu saxaafadda u sheegay Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya.

Xarrakatul Shabaab ayaan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo garaay dagaalkii ay maanta la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo ay sheegeen inuu ka dhacay inta u dhexeysa Hotel Jubba iyo Wasaarddii Boostadii iyo Isgaarsiinta.

Dhanka kale, Xarrakatul Shabaab ayaa saxafiyiinta maanta mar kale tusay mowlaca Macallin Nuur oo dhawaan ay ka qabsadeen Ahlusunna Waljamaaca, kaasoo saaka uu sheegay afhayeenka booliiska gobolka Banaadir G/sare C/llaahi Xasan Bariise inay dib ula wareegeen.

Colaadda Muqdisho ka taagan ayaa waxay gashay todobaadkii labaad, waxaana ku dhintay dad ka badan 100-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 200-qof, mana muuqdaan dadaallo lagu daminayo dagaalka.

www.burucbaxaya.com

Comments are closed.