Munaasabad lagu qabtay magaalada Nairobi gaar ahaan fagaaraha caanka ah ee Uhuru Park ayaa waxaa lagu ansixiyey dastuurkaas cusub oo ay Kenya yeelanayso,iyadoo ay kasoo qaybgaleen madax kala duwan.
Madaxda kasoo qaybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha dalka Sudaan Cumar Xassan Al-Bashiir oo si lama filan halkaas ku gaaray,Xogheyihii hore ee Qaramaada Midoobay Kofi Annan,Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Koffour iyo madax kale.
Madaxweynaha ayaa manaasabadaa ku ansixiyey dastuurkaas,isagoo balanqaaday in ladhaqan gelinaayo.
Wasiirada iyo Madaxda qaranka ayaa sidoo kale lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.
Dadweynaha Kenya ayaa si toos ah telefishinada iyo idaacadaha kala socday qaabka ay u dhacaysay munaasabada lagu ansixinaayay dastuurka.
Gobolada ku yaalla dalka Kenya ayaa si weyn looga dabaaldegay ansixinta dastuurka,waxaana maanta ahayd maalin fasax ah oo la xirey goobaha shaqada.
Soomaalida ku nool gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo gobolada kale ee dalka ayaa soo dhoweeyey dastuurkaan.
burucbaxaya.com








Halkan ka Akhriso iyadoo qoraal ah

