Masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland ayaa ka qaybgalay munaasabada doorashada oo ay kamid ahaayeen Wasiirka maamul wanaaga Maxamed Faarax Gaashan,Wasiirka degaanka iyo duurjoogta Cabdiqani Yuusuf Cadde,Wasiir kuxigeenka arrimaha Haweenka iyo qoyska Saynab Ugaas Yaasin iyo Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh.
Xilka Guddoomiyaha degmada Qardho ayaa waxaa uu tartamaayay labo musharax oo lagu kala magacaabo;
-Maxamed Siciid Hogaama-laroor
-Cismaan Buux Cali oo ahaa duqii hore ee magaaladda Qardho
Waxaana xilka Guddoomiye kuxigeenka u tartamaayay labo musharax oo iyana la kala yiraahdo;
-C/risaaq Cali Cartan
-Burhaan C/raxmaan Xaaji Aadan oo ahaa kuxigeenkii duqa Qardho
Doorashada ayaa u dhacdey hab gacan taag ah,waxaana ay xildhibaanada golaha degaanka tiro ahaan gaarayeen 26-qof.
Intaa aan la gelin doorashada ayaa waxaa la dhaariyey dhamaan xildhibaanada golaha degaanka,waxaana intaas kadib la guda galay doorashada.
Sidoo kale musharixinta ayaa halkaas kasoo jeediyey khudbado ku aadan taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkooda.
Markii ay soo dhamaatay doorashada ayaa lagu dhawaaqay natiijada,waxaana ay ahayd sidaan;
-Musharax Maxamed Siciid Ciise Guul wuxuu helay 15-cod
-Musharax Cismaan Buux Cali wuxuu helay 11-cod
Guddoomiyaha degmada Qardho ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay Maxamed Siciid Hogaama-laroor oo ku guuleystay 15-cod.
Xilka kuxigeenka duqa degmada Qardho ayaa waxaa ku guuleystay C/risaaq Cali Cartaan oo helay 13 cod, iyadoo Burhaan C/raxmaan Xaaji Aadan uu helay 12 cod waxaana mid kamid ah xildhibaanada golaha degaanka isaga aamusay doorashada.
Munaasabada inta ay socotay ayaa lagu dhaariyey Guddoomiyaha cusub iyo kuxigeenka degmada Qardho;
-Maxamed Siciid Ciise Guul (Guddoomiyaha degmada Qardho)
-C/risaaq Cali Cartan(Guddoomiye kuxigeenka degmada Qardho)
Labadaan masuul ayaa balanqaaday in ay ku talaabsan doonaan horumar isla markaasna si daacad ah u gudan doonaan xilka loo igmaday.
Odeyaal,Waxgaradka,Haween,Ururada Bulshada rayidka iyo dadweynaha kala duwan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada,waxaana khudbadaha halkaas laga soo jeediyey lagu soo dhoweeyey qaabka ay u dhacdey doorashada laguna baaqay maamulka cusub in ay ku talaabsadaan horumar.
Maamulkii hore ee degmada Qardho oo hormuud uu ka yahay Cismaan Buux Cali ayaa iyana soo dhoweeyey doorashada iyo maamulka cusub,waxaana ay balanqaadeen in ay la shaqayn doonaan.
burucbaxaya.com








Halkan ka Akhriso iyadoo qoraal ah

