Olole lagu doonayo in lagu dhiso golaha deegaanka ayaa ka socoda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Gudoomiyaha guddiga qabanqaabada dhismaha golaha deegaanka Isla markaana ah guddoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafi Cali Yuusuf oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in gebo gebo ay ku dhowdahay xubnihii ay soo xuleen beelaha ee qaybta ka noqonaya golaha deegaanka ee degmada Boosaaso.
Wuxuu xusay in inta badan beelaha dega degmada Boosaaso ay soo gudbiyeen xubnaha u matalaya golaha deegaanka.
Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa intaa raaciyey, in ay jiraan laba beelood oo ka arinsanaya cidda u mataleysa golaha deegaanka ee Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.
Wuxuu sidoo kale sheegay, in Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) iyo maamulka gobolku ay maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaayeen isku dabaridka dhismaha golaha deegaanka degmada Boosaaso.
Maalmaha soo socda waxaan filaynaa in la kala saaro layskuna shaandheeyo xubnaha golaha deegaanka ee beeluhu ay soo gudbiyeen, waxaa suurta gal ah in dib loo celiyo xubno ay beeluhu soo xuleen oo aan buuxin sharuudaha kamid noqoshaha golaha deegaanka, 24 saac gudahood ayaa loo baahan yahay in lagu soo bedelo….” Ayuu yiri.
Bishii Feberaayo ee sanadkan, (25.2.2010) ayey ahayd markii uu Madaxweynaha Puntland wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa uu ku kala diray golaha deegaanka degmada Boosaaso iyo gudoomiyihii degmada C/risaaq Xareed Ismaciil isla markaana si kumeel gaar ah uu gudoomiye ugu magacaabay Maxamuud Faarax Beeldaaje.
Wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa waday mudooyinkaan ugu danbeeyey gole deegaan u dhistay degmooyin ka mid ah Puntland sida Qardho, Garowe iyo Jariiban.
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xili ay socoto olole maamulka Puntland uu ku doonayo in gole deegaan loogu dhisayo degmooyinka hoos taga gobolka Mudug ee Puntland.
www.burucbaxaya.com
Boosaaso








Halkan ka Akhriso iyadoo qoraal ah

