Waxaa ka dhacay magaalada aarhus ee caasimadda 2aad Dalkan Denmark , bandhig aan isagookale horey loo sameyn. Aad iyo aadna looga soo shaqeeyey.
Bandhigan ayaa waxaa isku soo dubaridey urur dhalinyaro soomaaliyeed ee layiraahdo ururuka mideynta dhalinyarada soomaaliyeed ee MIDSOM ( www.midsom.dk ).
Badhigaan ayaa waxaa lagu soo badhigayay Fursadaha waxbarasho ee ka jira dalka denmark.
Ujeedooyinka bandhigaan ayaa wuxuu ahaa inay dhalinyadrada hadda dhamaysay dugsiga sare ee doonaysa waxbarshada kore inaay bilaabaan inay helaan wax bixinada wax barashooyinka kala duwan ee ka jira dalkaan.
Waxaa lagu sharaxay goobta badhiga wax barashooyin kala duwan oo midwalba uu usharaxaayay qofkii kusoo takhasusay ama ba isagu hadda ku dhex jiray waxbarashada noocaas ah.
Dadka doo bandhiyay ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumarba. Haba ubateene dhanka dumarka ama gabdhaha dhalinyarada ah ee wax ka barta jaamacadaha iyo macaahidda kala duwan ee dalkaan. Soo badhigayaasha ayaa waxay ka kala imaadeen magaalooyinka kala ah Aarhus oo bandhigu kadhacayay, Odense iyo Aalborg.
HALKAN KADAAWO SAWIRO AAD LOOGA YAABA
Waxaa sidookale ka soo qayb galay dada ad ufaro badan oo xiisaynayay wax barashooyinka. Oo la arkaayay iyagoo ku wareegaya oo marba fariisanayay meelaha ay ka socoto sharaxaadda wax barashada. Dadkaan ayaa isugu jiray dad iyagu raadinayay inay wax ka ogaadaan wax barashooyinka iyagoo quurdareynayay inay bilaabaan wax barasho. Waxaa sidookale joogay waalidiin isugu jira dad dumar iyo ragba.
Waxaa sidoo kale furitaankii bandhiga laga soo jeediyey muxaadaro kooban oo taabanaysa uhiimadda ay leedahay waxbarasha iyo inay dhalintu ka faaiideystaan fursadaha ay haystaan. Muxaadaradaan ayaa waxaa soo jeediyey Sh. Cabdiqani Qarane.
Waxaa kale oo ka soo qayb galay ururka oqayda soomaaliyeed ee magaala da aarhus (Somali Senior Gruppe ). Oo aad iyo aad ubooriyey arinkaan meesha ka dhacay kuna tilmaamay iftiin u soo socda bulshada soomaaliyeed.
HALKAN KADAAWO QAABKALE OO SAWIRKU USOO BAXAYO
Bedste hilsener/Best Regards Ahmed Jibril Abdi Røntgenfysiker, Civilingeniør (Cand.Scient.Med.) tlf. +45 20422535 www.jibril.eu








Halkan ka Akhriso iyadoo qoraal ah

