بسم الله الرحمن الرحيم
Ku: Gudoomiyaha Gobolka Bari :Bosaaso
Og: Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha : Garoowe
Og: wasiirka wasaarada amniga :Garoowe
Ujeedo: Dacwad lidi- ku-ah qaabkii loo dhisay xubnaha degaanka Qandala
Anagoo ah beesha Cabdi Koombe (JAMBEEL) degana degaanka Buruc oo ka tirsan gobolka Bari degmada Qandala.
waxaan si xushmadi ku dheehantahay ku wargalineynaa meelaha warqadani tooska iyo ogaysiintaba ugu socoto, in gudi ka kooban deegaanka Buruc iyo odayaasha aan u dirnay degmada Qandala.
Si ay wada xaajood uga galaan qaybsiga xubnaha deegaanka beelaha ay quseyso gaar ahaan beesha Cali Saleebaan taarikhdu markay ahayd 15/16 bisha January 2012. iyadoo qaybsiga xubnaha loo eegayo baaxada beel kasti ka degto degmada Qandala.
Gudigaas ayaa ka koobnaa xubnaha hoos ku taxan:
1: Daad Ciise Maxamuud Weyrax:Gudoomiyaha gudiga ahna gudoomiyaha gudiga D/Buruc
2: Maxamed Seed Yuusuf
3: Cumar Cismaan Weyrax
4: Nuur Maxamuud Seed
5: Cali Cismaan Weeyrax
6: Jaamac Yaasiin Yuusuf
7: Maxamuud Cismaan Bare
8: Baari Jaamac Aw Cumar
9: Mahad Siciid Weyrax
10: Dhahar Ciise X.Cumar
11: Ismaaciil Saciid Deer
Dood dheer ka dib,beesha Cali Saleebaan waxay diiday in si sax ah loo qaybsado xubnaha iyadoo la tixgalinaayo doorashooyinkii dalka ee 1959,1964,1969-kii. Xiligii dowladaha Civil-ka ahaa.
Sidoo kale lama tixgelin xiligii kacaanka 1980,1984/1985-tii,oo la dhisay deegaanada gobolada dalka soomaaliya.
Beesha Cabdi Koombe(Jambeel) waxay si cad u diidantahay in beel keli ah isku koobto talada degaankaas.Sidaa daraadeed waxaanu cadeynaynaa in aynan ka mid ahayn xubanaha degaanka Qandala loo dhisay.
Beeshu isla markaas waxay cadeyneysaa iyadoo ixtiraameysa daris wanaaga, isla markaana soo dhaweeyneyso dhammaan dadaalada loogu jiro dhisida iyo horumarinta degaanada puntland.
Beeshu waxay mar labaad codsaneysaa in si caddaalad ah loo qaybsado xubnaha degaanka,lana tix-galiyo xuquuqda beel waliba leedahay
Saxiixa nabadoonada beesha Cabdi Koombe (Jambeel)
1) Nabadoon Salaad Cali Sokor
2) Nabadoon Muxiyidiin Aadan
3) Nabadoon Faarax siciid Deer
4) Nabadoon Maxamed Cumar Faatax
5) Nabadoon Cumar Bayr Ibrahim
6) Nabadoon Axmed Maxamud Seed
7) Daad Ciise Maxamuud Weyrax:
gudoomiyaha gudiga degaanka Buruc
Daad Ciise Maxamuud
burucbaxaya@hotmail.com








Halkan ka Akhriso iyadoo qoraal ah

