Magaalada Buruc:
Buruc waa magaalo ku taal Gobolka Bari ee Soomaaliya, isla markaasna kulaaleysa badda Gacanka Cadmeed. Waxaa kaabiga ku haya buurta labaad ee ugu dheer Soomaaliya oo ah buurta Baxaya. Waa magaalo dhanka berriga ay kaga hareeraysan yihiin degaano aad ugu wanaagsan daaqsinka xoolaha, gaar ahaan Ariga (Riyo iyo Ido). Waxa kale oo buurelyda ku xeeran ka baxa dhirta laga gurto xabagta ee beeyada iyo fooxa. Cimilo ahaana waa magaalo xilliga dayrta aad u qabow, xilliga xagaagana aad u kulul oo cimiladaasna ay kala mid tahay magaalooyinka ku yaal xeebaha Gobolka Bari.
Magaalada Buruc waxay ku taal xeebta badda gacanka cadmeed. Waxayna u dhaxaysaa Boosaaso iyo Qandala.
Fogaanta tooska ah ee u dhexaysa Buruc iyo Boosaaso: 58 km. Dhanka kalena Fogaanta tooska ah ee u dhexaysa Buruc iyo Qandala: 21 km.
Marka la eego loolka iyo dhigaha adduunka magaalada Buruc waxay dhacdaa barta: 11o28’25″ N iyo 49o41’00″ E.
Buruc waxaa u dhaw buurta labaad ee ugu dheer Soomaaliya, buurtaas oo ah Buurta Baxaya.
Buurta Baxaya joogeeda qiyaastii inta ay badda ka sarayso waxaa lagu qiyaasaa in k abadan 2 kiiloomitir. Halka buurta ugu dheer Soomaaliya ay tahay Surad oo u dhaw Ceerigaabo oo dhererkeedu yahay 2.4 km.
Magaalada Buruc waxay kamid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan ee ku yaal xeebaha Gobolka Bari ee Soomaaliya, halkaas oo la deganaa muddo dheer.
Buuraha ku dhaw magaalada Buruc waa buuro ku wanaagsan daaqsimada xoolaha. Sidoo kale waxaa ku badan dhirta laga gurto xabagta beeyada iyo fooxa (maydiga) oo qaali ah.
Degaanada daqsinka ee ku xeeran magaalada Buruc waxaa kamid ah: Baxaya, Qurac, Warmadow, Ribbad, Karingubad, Cayra, Dhacadiid, Cinjirka, Raabka Salamaco, Jiica, Nirga-Laaye, Duqayga, Qolab, Cambarka, Fargaraar, Ragar Barre, Ragar Boqor, Misig, Ceelxaar, iyo Qorayo.
Cimil ahaan waxay kala mid tahay magaalooyinka ku yaal xeebta kulaaleysa badda gacanka cadmeed, taas oo ah xilli dayr ah oo qabow iyo xilli xagaa ah oo aad u kulul.

Masjidka Buruc oo ah masjid qadiimi ah
Magaalada Boosaaso iyo Buruc waxaa u dhaxeeya buuro aad u waaweyn kuwaas oo in jid loo sameeyo ma ahane aysan mari karin gawaaridu. Haddii jid laga samayn lahaana waxay isku xiri lahayd Boosaaso iyo Qandala.
Maadaama aan gawaaridu si fudud u tegi karin waxaa Boosaaso laga raacaa doonyaha si loogu tago Buruc.










Halkan ka Akhriso iyadoo qoraal ah

